![]() |
|||
|
4.5 Shaping Somalia's Destiny "The Mbagathi Parliament" Parliament is a Forum where all Somali can make their voices heard through their representatives.
Qaybsiga Xubnaha Baarlamaanka lagu soo dhisay Mbagathi, Kenya ee Beelaha Qaybta Shanaad
Jareerweyne 7 Xubnood Shiidle...........................2 Hintire...........................1 Mushunguli.................1 Shabeele......................1 Eyle...............................1 Makanne......................1 Magacyada xildhibaanada Jareerweyne 1- Mowliid Macaan Maxamuud (Shiidle) 2- Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen (Shiidle) 3- Xuseen Baantuu (Mushunguli) 4- Prof. Maxamed Cumar Dalxa (Hintire) 5- Saleebaan Colaad Rooble (Shabeele) 6- Xaaji Cali Xuseen (Eyle) 7- Cali Cusmaan Jiidow (Makanne)
Banaadiri 6 Xubnood Shaanshi......................................1 Reer Shiikh..................................1 Iskaashato Indhaweyne...........1 Bandhawoow..............................1 Reer Braawe................................1 Camuudi.......................................1 Magacyada xildhibaanada Banaadiri 1. Maxamed Cusmaan Maye (Shaanshi) 2. Saalax Ismaaciil Saqaawe (Reer Shiikh) 3. Cabdulqadir Awes Mahdi (Iskaashato Indhaweyn) 4. Fahmo Axmed Nur (Bandhawow) 5. Shariif Maxamed Seydii (reer Baraawo) 6. Caamir Shakeeti (Camudi)
Magacyada xildhibaanada Carab Saalax Beesha Meheri Ismaaciil (Carab
Saalax) 2. Maxamuud Maxamed Xasan
3. Faarax Xasan Maxamed Magacyada xildhibaanada Reer Aw-Xassan
2. C/weli Ibraahin Muudeey Magacyada xildhibaanada Madhibaan 1. Xuseen Maxamed Jaamac 2. Aadan Maxamuud Maxamed Magacyada xildhibaanada Yaxar 1. Khadiijo Maxamed Diiriye 2. Maxamuud Barre Xuseen Magacyada xildhibaanada Ajuuraan 1. C/fataax Ibraahin Rashiid 2. Xasan Ibraahin Maxamed Magacyada xildhibaanada Carab Soomaali 1. Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji Magacyada xildhibaanada Garjeente 1. Caadil Sheegow Sagaar Magacyada xildhibaanada Yibir 1. Maxamed Xasan Cali (Daryeel) Magacyada xildhibaanada Muuse Dheeri 1. Jen. Maxamed Maxamuud Xeyd Magacyada xildhibaanada Brawaani 1. Dr. Cali Maxamed Faqay Magacyada xildhibaanada Baajuun 1. Maxamed Ismaaciil Barkaale Magacyada xildhibaanada Tumaal 1. C/qaadir Maxamed Xaaji
XILDHIBAANADII UGA HOREYAY BAARLAMANKA CUSUB EE SOOMAALIYA OO LAGU DHAWAAQAY
Sida uu sheegay Xuseen Maxamuud (Xusen Bantuu) oo ka mid ah guddoomiyaasha SAMO waxaa ay Xalay u gudbiyeen Igad Magacayadii Xildhibaanada Beelaha Jareer weyne ee ay ka heleen Baarlamanka KMG ah ee dhawaan lagu dhisi doona dalka Kenya . Waxaa uu u sheegay Mas;uulkaas Idaacada Banaadir ee Muqdisho Isagoo markaasi ka soo hadlayay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya in beeshiisu ay magacaabtay Xubnahan oo ay ka mid yihiin Mowliid Macaan Maxamuud, Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen,Cali Ismaan Jidow,Xuseen Maxamed (X Bantuu), Saleemaan iyo Labo nin kale taas oo beesha isku soo waafaqday. Hadaba marka aan dib u eegno sida beesha Shanaad looga qeybiyay Xubnaha Baarlaman KMG ah oo ay u qeybiyeen Guddiga Xallinta Khilaafaadka shirka Soomaalida waxay u dhacday sida tan. Mowliid Macaan Maxamuud ayaa ku tilaamay qaabka ay wax u qeybiyan guddiga Xallinta Khilaafaadka mid Caddalad daro ah oo booskii beelaha Shanaad lagu soo buuxiyay qabaa’ilo ka soo tagay beelaha Daarood iyo Hawiye, taasoo meel ku dhac u ah sumcada guddiga. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) Magacyada xubnaha Banaadiriga ee loo dhaariyey barlamaanka cusub Waxaa Shaley magaalada Nairobi
lagu dhaariyey 206 xildhibaano oo ka mid noqon doona barlamaanka cusub ee
Somalia. Dadka halkaa lagu dhaariyey waxaa ka mid ahaa 6da xubin oo loo
qoondheeyey dadweynaha banaadiriga. Waxaana sidoo kale halkaa lagu dhaariyey Cali Maxamed Faqi (Cali Booboo) oo qaatey qeybtii loo qoondheeyey reer Baraawa. Wararka naga soo gaaraaya
magaalada Nairobi ayaa sheegaya in dad badan ay aad ugu caroodeen liiskan ee la
soo gudbiyey, waxaana dadkaasi ka mid ahaa ergadii ka socotey magaalada Marka oo
sheegey in halkaasi lagu qatiyey dadweynaha banaadiriga ee dega magaalada Marka,
Gendershe, Jilib, iyo Jasiira. Sheekh Abba oo dhexdhexaadin ka wada xubinta baarlamaanka ee la siiyey jufada Shaanshi ee beelaha Banaadiriga oo ay isku haystaan Saddexdii xubnood ee la filayey in ay gudbiyaan garabka SANU ee Max’ed Cusmaan Maye ayaa dib u dhac uu ku yimid, kadib markii xubinta baarlamaanka ee jufada Shaanshi ee beelaha Banaadiriga ay isku qabsadeen Max’ed Cusmaan Maye & ganacsade la sheegay in uu dibedda ka yimid, waxaana socda dedaal dhexdhexaadin ah oo uu ka dhex wado sheekha caanka ah ee beelaha Banaadiriga Sheekh Max’ed Axmed Max’uud (Sheekh Abba) oo ku sugan magaalada Nairobi. Warar ku dhow dhow xubnaha isku haysta xubinta baarlamaanka jufadaasi ayaa sheegaya in Sheekha Abba uu u soo jeediyey labadooda in midkood uu tanaasulo, sidoo kalena garabka ka soo horjeeda Max’ed Cusmaan Maye ee ee Banaadiriga ee ay hogaamiso Fahma Axmed Nuur ayaa gudbiyey saddexdoodii xubnood, waxaana guud ahaa beelaha Banaadiriga uga soo aaday xubnaha baarlamaanka 6 xubnood. Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho BEESHA SHANAAD OO LOO QEYBIYAY 31 XUBNOOD EE AY KA HELEEN BAARLAMANKA
Guddiga Xalinta khilaafaadka ayaa ku guuleystay in ay u qeybiyaan xubnaha Baarlamanka ka soo gaaray Beesha Shanaad ee Soomaaliya (Isbahaysiga ) iyadoo guddiga ay soo saareen qaabka ay uga qeybiyan beeshan oo in muddo ah muran adag ka dhaxeeyay ayna ku guuleysan waayeen in ay qeybisadaan xubanha ku soo aaday. Liiskan ay soo saareen guddig khilaafaadka shirka oo ka kooban 5 beelood ee Soomaalida ayaa talaabada ay qaadan waxaa si caro leh uga jawaabay Maxamed Ismaan Maye oo ka mid ah hogaamiyaasha beeshaas wuxuuna ku tilmaamay mid u dhacaday si cadaalad daro ah waa sida uu hadalka u dhigay, liiska la soo saarayna waxaa uu qora sida tan. Maxamed Ismaan Maye ayaa tiradaan u sheegay Maanta Saxaafadda Xamar isagoo jooga Nairobi ee dalka Kenya waxaa uuna sheegay in ay taasi aqbali Karin balse danta Umadda Soomaaliyed ay u aqbali doona, liiskan cusub ayaa waxaa xaqiijiayay Maxamed Ismaan Maye, balse weli lama shaacinin tirada beelaha kale isbaxaysiga ka soo gaaray . Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) MAGACYDA
XILDHIBAANADA BEELAHA JAREERWEYNE OO Waqtigii kama dambeysta ahayd ee Igad u qabatay in ay beelaha Soomaalida ku soo gudbiyaan Magacayada Xubnaha Baarlamanka 275 mudane ayaa waxaa ka harsan muddo 5 cisho ah ayaa ilaa iyo hada waxay guddiga Fududeynta sheegan in ay gacanta ku haayan in kabadan 168 xubnood oo ay soo gudbiyan beelahooda. Sida uu sheegay Danjiraha dalka Kenya u qaabilsan soomaaliya Maxamed Cabdi Afay marna lagama yaabo in mar kale dib u dhacado Xafladii dhaarinta Xubnaha Baarlamanka, isagoo cadeeyay in beelaha soomaalida ay ku howlan yihiin soo gudbinta Magacyada Xubnaha baarlamanka. Beesha Jareer weyne ayaa muran iyo is qabqabsi kadib ayaa waxay uga dambeystii soo gudbiyan Magacyada Xubnaha baarlamanka uga mid noqonaya , iyagoo soo saaray Liiska 7 xubnoodka ay ee baarlamanka loo dhaarinaya maalinta khamiista oo bishan ay tahay 19 ka waxayna kala yihiin.
Liiskan ayaa noqonaya mid ka rasmig ah ee beesha Jareer Weyne, balse waxaa diidmo ka keenay sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya dalka Kenya Mowliid Macaan maxamuud oo ka mid ah Siyaasiyinta beelaha Soomaalida. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com BEESHA SHANAAD
|
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||