|
Shirki
Carta lagu qabtay iyo midka ay hadda abaabulayaan kooxaha ka soo horjeedo
kooxda carta iyo shir kale oo aan ku joogin dariiqa nabad raadin dhab ah,
midnaba soomali uma haayo dowlad nabad ku soo dabaali karto geyiga ummadda
soomaaliyeed, waayo kooxahan ma aynan soo marin dariiq meel isugu keeni karo
dhamaan masaalixa ummadda soomaaliyeed, mana jirto weli cid farta ku fiiqday
halka soomali laga haysto oo ah deganaansha la'aanta ka jirto magaalada
Muqdisho , goballada shabeelada hoose , jubbada dhexe iyo jubbadda hoose iyo
sababaha nabad la'aanta ku haayo goballadan.
waa maxaay masaalixi ama danaha ummadda soomaliyeed haddaba su'aashan haadii
aad daba kacdo adiga oo arrimaha soomaalida hoos shisho u fiirinayo,
caadifadna meel iska dhigayo, jawaabteeda waxaad ka heli kartaa halka ay ku
jirto xal u helida dhibaatadan kow iyo toban jirsatay...
1)kooxda carta aan ka
bilaawno ,kooxda carta waxaay ka kooban tahay dhowr koox oo isku bahaystay
arrima badan oo ay u arkeen in ay maslaxadooda ku jirto balse aan ahayn
maslaxadda dadka iyo dalka soomaaliyeed.
A) kooxda carta waxaa
ka mid ah shaqsiyaad lasoo shaqeeyay maxamed siyaad bare aasaasna u ahaa
dhibta umadda soomaaliyeed ku habsatay soddanki sano ee u dambeeyay, waxaana
ka mid ah shaqsiyaadkaas tusaala ahaan Cabduqaasim salaad xasan(Madaxweyna),
Cali khaliif galayr (Wasiirka koowaad)) iyo shaqsiyaad badan oo ayna muhim
ahayn xusida magacooda balse ummadda garanayso sidi Xasan abshir, ,Galaal,Gaani,Abdicaziz
Ali bare----------iwm,
B)Kooxda carta waxaa ka
mid ah qeyba ka tirsan kooxihi dagaalka sokeeye uu ku dhex maray magaalada
muqdisho haddana dowrkooda yahay ku ilaalinta xukunka kooxda A ee aan kor ku
soo xusnay.waxaayna kala yihiin kooxahan
* maleeshiyaadka cayr
oo garab weyn u ahaa G.caydiid, boobna ku helay xoola fara badan oo
soomaaliyeed welina faraha kula jiro burcadnimo,dil iyo boob aan dhamaad
lahayn.isla markaasna ay isku jufa yihiin Cabdulqaasim salaad, haddana heegan
ugu jiro sidi ay u ilaashan lahaayeen wixi ay bililiqo ku heleen tobanki sano
ee u dambeysay. .
* qayb ka mida maleeshiyaadka
abgaal daacadna u ah Cali mahdi maxamed oo isaga siyaasadiisa marinka wacan ka
habowday isla markaasna ku fashilmay sii haynta madaxnimada xibiga usc/ssa ee
woqooyiga muqdisho iyo inuu meel ku simo hogaanga xisbiga,Cali mahdi marki uu
arkay dowrkiisi siyaasadeed ee woqooyiga muqdisho inuu halis ku jiro wuxuu dan
mooday inuu taxaaluf la gala kooxda A oo marki horaba gacan ku lahayd inuu
madax ka noqdo dowladi ugu horeysay ee muqdisho looga dhawaaqay marki laga
adkaaday ina siyaad.
C)kooxda carta waxaa
kaloo ka mid ah kaadiradi la soo shaqeeyay xisbiga hantiwadaga iyo ururki
shaqalaha ee xukuumada maxamed siyaad bare sida,Cabdi xaaji
goobdoon,cabdulaahi firimbi, --------------iwm iyo qaar ka mida kaadiradi la
soo shaqeeyay G.caydiid sida Cabdi qaybdiid,daylaaf, ---------iwm
2)kooxaha ka soo
horjeedo kooxda carta ma ahan kooxo ku cusub dhibaatada taagan ee ummadda
soomaliyeed waana kooxo aan wadaagin haba yaraatee wax maslaxaa oo aan ahayn
in ay ka hortagaan kooxda carta.kooxdan waxaa ku badan kooxo ku dirirayo
miisankooda wax ka badan iyo qaadasho sad badan marka la doono in la wadaago
danaha ummadda kulmiyo ama wax soo saarka dalka, kooxdan waxaa kale oo ay
gacan ku leedahay deganaansha la'aanta ka jirto waddanka intiisa badan iyo
gaar ahaan magaalada muqdisho..waxayna u qaybsamaan sida tan.
A)Dowlad isku sheega ka
jirto woqooyi galbeed ee soomaaliya madaxna uu ka yahay ruug cadaa siyaasada
dalka soomaaliya ka soo ciyaaray dowrar kala duwan,dowladdan waxaay ku
guulaysatay in ay deganaan ka dhaliso meelaha ay ka taliso marka loo fiirsho
dalka intiisa kale,dowladan waxaay wax badan kaga duwan tahaay kooxaha
soomaaliya isku haayo,Dowlad waxaay ku doodaa in ay tahay dowlad madax banaan
laakin kama muuqato inay aad iskugu taxalujiso raadinta aqoonsi ay ka hesho
adduunweynaha waayo waxaay ogtahay kana dhergantahay awooda dhaqaale oo ay
leedahay, oo aan u saamaxayn inay keligeed ku istaagto lugaheeda kana maaranto
helitaanka caawinaad joogtaa ama ku tiirsanaashada dalalka waaweyn ee wax
dheefka bixiyo,sidaas darteed cigaal waa budo gaar u tuman waxa uu rabana waa
caddaan, waana koofur soomaaliyo oo sameysato maamul ay heshiis ku yihiin
keddibna uu la gorgortamo wuxuu ka helaba.
B)Inta
aanan u guda gelin arrimaha woqooyi bari ee soomaaliya loona yaqaan( dowladda
puntland) waxaan isku dayaa inaan laba u kala qaado dadka ku nool gobalkaas
iyo hogaamiyahooda Cabdullaahi yusuf.Dadka ku nool gobalkaas waxaa sad weyn
kasoo gaaray dibaatada ku habsatay ummadda soomaaliyeed iyada oo saas jirtana
waxaay mar walbo oo laysku dayo xal u helida dhabaatada soomaaliya diyaar u
ahaayeen inay dhinaca wacan wax u wadaan kana fogaadaan kala geynta ummadda
soomaaliyeed, laakin Col/Cabdullaahi yusuf kama muuqato sifada aan ku sheegay
dadka woqooyi bari ku nool waayo waxaa caddaan ah inuu ka hormariya wax walbo
oo xala danahiisa gaarkaa isaga oo u soo marayo kala geynta ummadda
soomaailyeed ,waxaana beryahan dambe soo if baxay inuu goballadaas ka bilawday
kacdoon looga soo horjeedo maamulkiisa keddib marki ay u muuqatay dadka ku
nool gobalkaas in uunan ku maqnayn danaha danta dadka iyo gobalkaba iska daa
dan soomaliyeed.sidaa darteed waxaan halkan uga soo jeedinayaa cabdullahi
yuusuf inuu isaga tago jagadiisa una baneeyo hogaamiya iska leh sifada dadka
ku nool gobalkaas.
C) RRA
waxaay ku guulaysatay laba shay oo muhima sanadki 1999 marka laga hadlayo
arrimaha soomaalida ,RRA ama qabiilka digil iyo mirif waxaay iska qaadeen
heeryada saarneed ee G/caydiid kaga tegay taasna waxaay abuurtay inaay nabad
ka dhalatay gobal Bay iyo Bakool oo ka midda Goballada wax soo saarka leh ee
soomaaliya waxaa kale oo ay guuleysateen inay abuuraan maamulka ka jiro
goballadaas waxaana nagu habboon haddii aan soomaali nahay inaan ugu
hambelyeyno howsha wacan oo ay qabteen xataa haddii ay guushaas u kaashteen
dowladda itoobiya oo ah cadowga soomaalida waayo ayaga waqtigaas waxaa uga
darnaa dad ay dhalasho wadaagaan oo gumaad iyo baad jootaa ku haayay.waxaan
halkan guddoomiyaha RRA col/ Maxamed.H.N(shhaati gaduud) uga soo jeedinayaa
inuu iska daayo raadinta inuu dowr ka ciyaaro arrimaha goballada kale ee
soomaliya iyo u dhega nuglaashada xabashida iyo Cabdullaahi yusuf, halkiisana
ku sugo maalinta ay timaado soomali in ay dhigtaan gogal nabadeed ee ka run
sheegayso xaqiiqada deegaanada soomaaliyeed, iyo in uu ka shaqeeyo horumarka
goballada uu ka taliyo taasoo ah danta dadka ku nool goballada bay iyo bakool
gaar ahaan ,guud ahaana danta dadka iyo dalka soomaaliyeed.
D)Muusiibo hadii ay
jirto tan ugu weyn soomaaliya waa kooxdan oo u qaybsanto dhowr qabiil oo ku
abtirsado magacyada xisbiga usc/sna,usc/ssa-------iwm,kooxdan waxaa hogaamiyo
u ah Cusmaan xasan caato oo ah kaankaro soomaali ku yaal,xuseyn caydiid oo ah
muluq aan fadhiga baran,lana aan barbar dhigi karin jananki isku haayay
raggan,col/xasan daahir aweys oo sheegto inuu yahay shiikh -------iwm, kooxdan
waa dad danti dadka iyo dalka soomaaliyeed ku beddashay boob, dhac, kufsi,
afduub, burcadnimo, xatooyo maalin cad,lacag been abuura,bara kicin dadki
deganaa deegaanada koofur soomaaliya, daciifnimo, maxaakim u adeega tuugada
iyo caasumadi soomaalida oo laga dhigay meel shaydaan degay.kooxdan isku soo
duub waaxaay horseed u yihiin xal la'aanta ka jirto magaalada
muqdisho.muqdishana waxaay horseed u tahay xal la'aanta ka jirto waddanka
soomaaliya.
Haddii aan halkan
kaga baxo kooxaha isku hardinayo maamulka iyo danaha waddanka soomaaliyeed,cid
walbo waa garan kartaa dhibaatadan sidi xal loogu heli lahaa, xalkana waa
dadka deggan deegaanka gobalka banaadir oo heeryada saaran iska qaado sidi RRA
si loo helo gacan keliya oo maamusho magaalada muqdisho, markaasna waxaan
dhihi karnaa nabad waa la gaaray, soomaalina waxaa loogu baaqi karaa is
cafin,guryihi iyo beerihi la boobay oo dib loogu soo noqdo,dowlad la wada
dhisto iyo in la bilaabo nolol cusub.
15/03/01
Abdallah Moallim Mahamuud
Moallem@lycos.com
|